Axmed Madoobe, Deni iyo Laftagareen oo la shiray saraakiil Mareykan ah

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Talaadada maanta ah wuxuu magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho kula kulmay wakiilada daeeyeyaasha Beesha caalamka.

Madaxtooyada Jubaland oo fahfaahisay  sheegtay ayaa in uu kala hadlay doorashooyinka iyo amaanka iyadoo si qoto dheer loo falanqeeyay Xaalada kala guurka ah iyo sidii ay u dhici lahayd Doorasho la isla ogolyahay".

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka oo kala ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, Safiirka Ingiriiska Ben Fender, iyo Wakiilo ka kala kasocday Maraykanka iyo Midowga Afrika," ayay tiri.

Bayaanka ayay raacisay: "Kulankan ayaa lagaga hadlayay Arimaha Doorashooyinka iyo amaanka iyadoo si qoto dheer loo falanqeeyay Xaalada kala guurka ah iyo sidii ay u dhici lahayd Doorasho la isla ogolyahay.

Dhanka kale, Axmed Madoobe, madaxweyneyaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo Cabdicasiis Lafgareen, ayaa la shiray safiirka Mareykanka saraakiil kale oo Ameerikaan ah.

Saraakiisha Ameerikaanka ay la shireen ayaa kala ah; taliyaha howlgalada gaarka ah ciidanka Mareykanka ee Afrika, Gaashaanle Sare, Anderson iyo ku xigeenka madaxa taliska AFRICOM, Ambsador Young.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo kulanka martigelisay ayaa warisay in is-araggaan diirada lagu saarey sidii loo xoojin lahaa baacsiga maleeyshiyaadka argagixisada ee gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Sidda laga soo xigtay qoraal ay safaaradda ku faafisay barteeda gaarka ah ee Twitter-ka, kulankaan ayaa sidoo kale waxaa looga arrin-saday sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"

Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 12:55PM

Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 10:56AM