Axmed Madoobe oo UK u gudbiyey cabasho ka dhan ah dowlada

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xaalada Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan iyadoo gaba gabadii ay Saxaafada la hadleen.

Mr Fender ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo sidii la isaga kaashan lahaa dardar galinta adeegyada mucaawinada iyo kuwa kale ee ay UK ku tageerto Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada hadleen Arimaha Abaaraha iyo xiliyadii roobka ee daahay oo dadka ree Jubbaland saamayn ku yeeshay.

Safiirku ayaa intaasi raaciyey in uu rajaynayo in abaaraha deegaanada qaar ka jira ay dadku kasoo kaban doonan.

Danjirahu wuxuu kalsooni ka muujiyay in Doorashada Jubbaland ay ku dhacdo si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah kana fog faro galin dhinac walba leh.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Safiirka ay isla soo qaadeen shirkii Garowe iyo waxyaabahii la isku mari waayay dhaliilaha uu arko maamulkiisa.

Waxaa uu intaas ku daray dagaalka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa iyo gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen.

Axmed Madoobe ayaa tibaaxay in ay xukuumada abaabul lagu khalkhal galinayo nabadgalyada ay Xamar kasoo abaabulayso kuwaas oo ay Jubbaland ka fulinayaan shaqsiyaad lacago lagu soo siiyay, Bulshada Caalamka iyo Safiirkana ay la wadaageen Khatarta ay amaanka ku keeni karto masuuliyadeedana arintaas ay qaadayso Dowlada.

Illo xog ogaal ah ayaa ku waramaya in Axmed Madoobe uu safiirka UK u gudbiyey cabasho ka dhan ah xukuumadda, isaga oo ku eedeynaya in ay dhaqaalo ku bixineyso sidii ay daaqada uga saari lahayd isaga.

Kulankaan dhex-maray Axmed Madoobe iyo Danjiraha Ingiriiska ayaa kusoo beegmaya xili uu horey uga dhawaajiyay in Beesha Caalamka ay la kala safatay dowlada iyo maamuladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM