​Axmed Madoobe oo shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Jubbaland- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Madoobe], ayaa Shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo Golaha wasiirrada maamulkaas ay ka yeesheen xaaladihii ugu danbeeyay gaar ahaan Dagaallo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay qaybo kamid ah Jubbada Hoose.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayen Labada Madaxweyne ku-xigeen iyo dhammaan xubnaha Golaha ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn ayaa waxaa Madaxweynahu uu golihiisa uga xog waramay xaaladahii u danbeeyay ee Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan iska hor imaadyo adag oo dhexmaray ciidamada maamulkaas iyo kooxda Al Shabaab oo dhawaan gobolkaas ka dhacay Geel badan oo ay lahaayeen qoysas reer guuraa ah.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in Dagaalo adag oo ka dhacay deeganada Beerxaani iyo Golashimbi Ciidamada qalabka sida halkaas ku dileen qaar badan oo kamid ah Kooxaha Nabad diidka ah oo dhibaato badan ku hayay dadka Xoolo dhaqatada ah waxaana uu xusay in ay Tallaabo adag Ciidamadu ka qaadeen oo ay kasoo furteen in badan oo kamid ah Xoolahii ay afduubka u haysteen kuwa kalana ay ku daba jiraan.

Madaxweynaha Jubbaland ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in dadka deeganku ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab la dagaalamaan qaar badan oo kamid ahna la hubeeyay si ay isku difaacan.

Shirka, ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii maamulkaas uga sifayn lahaa kooxda Al Shabaab gobolka Jubbada hoose iyo deegaanada ay wali ku suganyihiin.

Shirkan ayaa Madaxweyne Madoobe hogaamiyay, xilli shirka madasha uu kasocdo magaalada Muqdishu isagoo u soo socdaalay dagaallada ka taagan deegaanada maamulkiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM