Axmed Madoobe oo si adag uga hadlay nabadoon lagu dilay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa wuxuu cambaareeyay dil habeenkii Isniinta gudaha magaaladda Kismaayo loogu geystay mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee ugu caansan dalka.

Cabdiqaadir Ibraahim Xasan [Gaari], oo kamid ahaa nabadoonada ugu caansan Soomaaliya, ayaa waxaa toogtay dabley ku hubeysan bastoolado, kuwaasi oo wajiyadda u duubnaa, siday sheegeen goobjoogeyaal.

Hogaamiyaha ay doorashadu kusoo food-leedahay ayaa shaaciyey in uu tacsi u dirayo qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Alla ha u Naxariistee Nabadoonka oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeyso dilkiisa Al-Shabaab.

Laamaha ammaanka oo xaqiijiyey in kooxahii hubeysnaa ay ka baxsadeen goobta ay falka khaarijinta ah ay ku geysteen ayaa tibaaxay in ay ku raad-joogan ayna gacata kusoo dhigi doonan "gacan ku dhiigleyaasha".

Sidda ay qoyskiisa khadka telafoonka xarun goboleedka Jubada Hoose ugu sheegay warsidaha Garowe Online, marxuumka ayaa waxaa lagu wadaa in aaso Arbacadda.

Axmed Madoobe ayaa wuxuu amar ku siiyey hay’addaha nabad-gelyadda in ay baaritaano degdeg ah ay sameeyaan isla markaana ay soo qabtaan ragga falkan dilkan ku lugta lahaa ee baxsadey.

"Madaxweynahu wuxuu Alle uga baryay Nabadoonka in Janadii fardowso uu ka waraabiyo isagoo dhinaca kalana Hay’adaha amaanka faray in baaritaan deg deg ah ay sameeyaan gacantana ay kusoo dhigaan kuwii ka danbeeyay falka Argagixisonimo ee lagu dilay Alle ha u Naxariistee Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

Dhacdadan ayaa waxay kusoo aadeysaa iyadda oo degaanada Jubbaland ay ka socoto soo xulista Xildhibaanada cusub ee bisha Agoosto dooran doono madaxweynaha xiga iyo labadiisa ku xigeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM