Axmed Madoobe oo soo saarey codsi ku aadan doorashadda Jubbaland

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo maalmahii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay magaalada Nairobi ayaa saaka dib ugu laabtey magaalada Kismaayo.

Labada Madaxweyne ku xigeen, gudoonka Baarlamaanka, xubno katirsan labada gole ee Dowlada Jubbaland iyo dadweyne kale ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa bartamaha xarunta gobolka Jubadda Hoose ku gacan-qaadey dadweynaha loo diyaariyey soo dhaweyntiisa

Axmed Madoobe oo Saxaafada kula hadlay Aqalka Martida ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay kenya uu ahaa mid shaqo oo halkaas uu kula kulmay Xubnaha beesha Caalamka ee tageera Soomaaliya isla markana uu kala hadlay arrimo dhowr ah oo Jubbaland khuseeya.

Geesta kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in uu la kulmay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee halkaas ku nool gaar ahaan odayaasha iyo dadka waxgaradka ah.

Axmed Madoobe oo ka hadlay arimaha doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in loo baahan yahay si wadajir ah in loogu dadaalo sidii nabadgalyo iyo daganaan ay ugu dhamaan lahayeen howlaha la xiriira doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha isla markana looga danbeeyo gudiga Doorashooyinka oo howshaas gacanta ku haya.

Dadweynaha Jubbaland ayuu ugu ku booriyay in ay gacmaha "is qabsadaan oo midnimadooda ay adkeeyaan si howlaha la xiriira doorashooyinka aanay u khalkhal galin nabadgalyada iyo Nolosha dadweynaha".

Dhinaca kale, Madaxweynahu wuxuu sheegay in xoraynta dalka ay tahay mas'uuliyad la wada leeyahay, gaar ahaan Jubbaland ayuu sheegay in dhankeeda ay diyaar u tahay sidii howlgalo midaysan loo qaadi lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM