Axmed Madoobe oo warbixin siiyey Wasiiradda Jubaland

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Shirka Golaha Xukuumada Jubbaland oo uu maanta Shir gudoominayey Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta ka qabsoomey hoolka madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Golaha uga warbixiyey Shirarkii Garowe ee xalka loogu raadinayey xaalada Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka oo meel xasaasi ah xiligan maraya iyo sidookale kulamadii uu madaxweynuhu la qaatey Midowga Musharaxiinta iyo ka qeybgalkiisii Shirkii aragti wadaaga ee Heritage, kuwaas uu Madaxweynuhu sheegay inay kusoo aadeen waqti loo baahnaa natiijo miro dhal ahna ay kasoo baxdey.

Warbixinta Madaxweynaha kadib Wasaarada Ganacsiga ayaa soo gudbisey Xeerar ay nuquladooda la wadaagtey Golaha kuwaas akhrintooda kadib todobaadka danbe golaha lagaga doodi doono.

Xeerarka ay wasaaradu soo gudbisey waxaa kamid ah :

1- Xeerka Maalgashiga Dowlada Jubbaland.
2- Xeerka Shatiyada Ganacsiyada Jubbaland

Sidoo kale wasaarada Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Jubbaland ayaa golaha u soo gudbisey nuqulada Sharciga Isgaarsiinta ee Dowlada Jubbaland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM