Axmed Madoobe oo waxqabad balaaran balan qaaday [Dhageyso]

Image

Sept 13, 2015 (GO)- Madaxweynaha dawladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo khudbad dheer ka jeediyay xaflada caleema saarkiisa ayaa balan qaaday ilaa hada waxqabad balaaran sameyn doono 4-ta sano ee nagu soo aadan.

Madaxweynuhu wuxuu balan qaaday balaarinta iyo horumarinta adeegyada bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dibu dhiska goobaha muhiimka ah ee dawladda Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in ay dhawaan xoreyn doonaan deegaanada Jubbaland ee ka maqan gacantooda, wuxuuna ka codsaday dawladda Faderaalka, AMISOM iyo dawladdaha taageera Jubbaland in ay dadajiyaan qorshaha gacanta cadowga looga saarayo magaalada Bu’aale.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay Jubbaland ciidamadeedu diyaar yihiin oo ay sugayaan dhaqaaqa iyo diyaargarowga howlgalka mdowga Africa iyo dawladda Somalia, isagoo sheegay in loo baahan yahay in aan waqti dheeraad ah la siin cadowga oo dhib ku haya dadka deegaanka.

Dhanka Siyaasada ayuu sheegay ilaa hada mdaxweynuhu in uu xooga saari doono sidii Jubbaland ay u noqon lahayd meel looga daydo maamul wanaaga, isagoo sheegay in aysan jirin bulshada Jubbaland mid ka maqnaa madasha caleema saarka, wuxuuna taasi ku tilmaamey dadaal ay galiyeen sidii  isku dhinac loogu dhaqaaqi lahaa.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay door lama ilaawan ah arrintan ka qaateen dawladdaha gobolka, gaar ahaana urur gobaleedka IGAD oo uu sheegay in uu dadaal dheeraad ah ku bixiyey sidii loo dhameyn lahaa wax kasta oo khilaaf ahaa oo dhexmaray Siyaasiinta Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM