Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso
KISMAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), ayaa maanta tababar u soo xiray boqolaal askari oo cusub oo kamid noqonaya ciidamada Jubbaland, kuwaas oo la filayo inay ka qeyb qaataan sugidda amniga deegaannada maamulkaasi.
Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweynaha Jubbaland ayaa ciidamada cusub ku ammaanay dadaalkooda, isagoo ku boorriyay inay si daacadnimo leh ugu adeegaan shacabka iyo amniga deegaannada ay ka howlgelayaan.
Hadaladiisii ugu adkaa ayuu Axmed Madoobe ku weeraray Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay qaadayso waddo halis gelin karta jiritaanka dowladnimada dalka.
"Wixii Soomaaliya lagu soo dhisay muddooyinkan oo dhan waa in la ilaaliyaa, mana habboona in dalka dib loogu celiyo halkii dhibaatada iyo burburka laga soo maray," ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa si gaar ah u dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in qaabka loo wajahayo arrimaha siyaasadda iyo maamulka dalka uu horseeday kala fogaansho siyaasadeed iyo in hay'adihii dowladnimada ay noqdaan kuwo sii wiiqmaya.
"Dowladnimada maanta waxay u muuqataa mid kala daadanaysa. Soomaaliya waxay u baahan tahay talo mideysan, wadatashi dhab ah iyo go'aanno ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada. Aragti hal dhinac laga leeyahay laguma maamuli karo dal dib uga soo kabanaya colaado iyo burbur muddo dheer soo jiitamayay," ayuu yiri.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale ku adkeystay in maamulkiisu aanu aqoonsi uga baahnayn Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in sharciyadda Jubbaland ay ka timaaddo dastuurkeeda iyo heshiisyadii lagu dhisay.
"Jubbaland cid aqoonsi uga baahan ma jirto. Jiritaankeeda, hay'adaheeda iyo doorashooyinkeeda waxay ku dhisan yihiin xeerar iyo dastuur u gaar ah oo lagu heshiiyay. Dowladda Federaalka awood uma laha inay wax ka beddesho rabitaanka shacabka Jubbaland," ayuu hadalkiisa ku daray.
Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland, iyadoo muranka ugu weyn uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo sida awoodaha dalka loo qaybsanayo.
Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in khilaafkan sii xoogeysanaya uu saameyn ku yeelan karo dadaallada lagu xoojinayo midnimada siyaasadeed, amniga iyo geeddi-socodka dhismaha dowladnimada, haddii aan la helin wadahadal iyo is-afgarad ay dhinacyadu ku mideysan yihiin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymaha iyo hadallada kulul ee kasoo yeeray Madaxweynaha Jubbaland.
GAROWE ONLINE