Axmed Madoobe oo xiray Kalfadhiga Barlamanka Jubbaland [Sawirro + Muuqaal]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Jubbaland- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo xiray Kal-fadhigii Sadexaad ee Golaha Baarlamaanka, kadib xaflad lagu qabtay magaalada Kismayo.

Kalfadhigan xiritaankiisa waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore Puntland, Cabdiraxmaan Farole oo hadda ah Xildhibaan katirsan aqalka Sare ee Barlamanka Somalia, isagoo khudbad uu ka jeediyay ku sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay hormarka uu ku tillaabsaday maamulka Jubbaland, kasoo ugu baaqay in horay loo sii wado.

Guddoomiyaha Barlamanka Jubbaland ayaa isna xusay in Xildhibaanadu soo qabteen arrimo kala duwan mudadii uu socday Kalfadhiga 3aad.

Khudbad dheer oo Madaxweynahu u jeediyay Xildhibaanada ayuu kaga hadlay arimo kala duwan isagoo si gaar ah ugu dheeraday wadashaqaynta Hay’adaha Dowlada iyo iska warqabkooda.

Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in hawl walba oo u baahan in la qabto ayna ka maarmaynin si wada jir ah loo wajaho isla markana la is garabsado marka laga hadlayo Hay’adaha Dowlada dhexdooda.

Arimaha dhulka ayuu Madaxweynahu sheegay in Xukuumada cabashooyinka ugu badan ay uga imanayaan si taas loo yareeyana dhawaan la dhisi doono gudiga adeega garsoorka oo dib u habayn balaadhan lagu samayn doono hananka garsoorka Jubbaland.

Dhamaan dhulka ay Dowladu leedahaya ayuu Madaxweynahu ku cel celiyay in aanay cidna dhisan Karin oo laga dumaninayo cidii ku fara adaygta.

Hananka qaybsiga khayraadka ayuu Madaxweynahu xusay in ay u baahan tahay heshiis wada jir ah oo laga gaaro si aanay hadhow muran uga iman wax la isla ogyahayna la meel mariyo.

“Dowlada Federaalka ah waxay xuquuq u leedahay iyo waxa ay Dowladaha xubnaha ka ah leeyahiin waa in ay cadaata oo hadhow aan la isugu iman muran iyo dood” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa kale oo uu ku dheeraday sida Madaxda Dowlada Federaalka ah looga baahan yahay in ay talooyinka ka qaatan dadka wax galka ah ee doonaya in wadanku uu hagaago.

“Bulshadii waxay u kala qaybsantay labo nooc kuwo khalad iyo saxba amaan ku huwinaya iyo kuwo dhaliil iyo moral xumo la wareegaya labadaas noocba waxaan u baahanahay in aan ka fogaano oo meel dhexe aan wax ku cabiro ayuu yiri Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Isagoo sii hadlaya Madaxweynahu wuxuu sheegay in isku soo dhawaynta iyo ka shaqaynta waxa wanaagsan ay Soomaaliya dan u tahay qaar badan oo Bulshada kamid ahna ayna ku baraarugsanayn.

Baraha Bulshada ayuu xusay in qaar badan oo Bulshadeena kamid ah ay si khalad ah u adeegsadaan iyagoo ku duminaya Dowladnimada meel walbana dhaliil ka raadinaya.

Gaba gabadii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku dhawaaqay inuu xiranyahay Kalfadhiga Saddexaad ee golaha Barlamanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Axmed Siilaanyo: Madaxwaynihii hore ee Somaliland oo geeriyooday

Madax kala duwan ayaa ka tacsiyeysay geerida oo illaa haatan aanan fahfaahin laga bixin sababta keentay.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 08:23PM

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM