​Axmed Madoobe: Xumaan kuma jirto Shirka Kismayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa shaaca ka qaadey in Shirka Kismaayo aaney caqabad ku aheyn Siyaasadda Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in Shirkaasi uu yahay mid wanaag lagu raadinayo, oo ujeedkiisau yahay in lagu xaliyo mugdi soo kala dhex-galay xiriirka dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

"Waxaan u sheegayaa Ummada Soomaaliyeed in Shirka Kismaayo uu yahay Gogol Nabadeed, oo aan tuhun iyo xumaan ku jirin, waxaadna ka arki doontaa Natiijada kasoo baxda," ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa meesha ka saarey wararka sheegaya in Shirka uu yahay mid ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya, balse uu yahay mid wanaagsan oo Siyaasadda Soomaaliya lagu jaheyn doono.

Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa kusoo beegmaya, xilli maalinta berri magalaada  Kismaayo uu ka furmo Shirka mamaulkiisu iclaamiyay dhawaan, kaasi oo ay ka qeybgalayaan Madaxda maamullada dalka.

Madaxweyniyaasha maamul goboleedyada, ayaa kusoo qulqulaya maanta illaa shalay magaalada Kismaayo, balse lama hubo in Madaxwenaha Galmudug uu kasoo qeybgalayo.

Wararka Warsidaha Garowe Online helayo, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan ku faraxsaneyn qabashada Shirkan, islamarkaana laga yaabo inaysan ka qeybgalin.

Xukuumadda ayaa la sheegay inay codsatey in dib loo dhigo, inta laga xalinayo khilaafka ka taagan Galmudug.

Maamul goboleedyada qaar iyo dowladda Dhexe ayaa iskau khilaafay mowqifka Soomaaliya ee xiisadda Khaliijka, taasi oo Xukuumadda Federaalka ka qaadatey go'aan dhex-dhexaadnimo, kaasi oo muran dhaliyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM