Madoobe: Waa nasiib daro in Farmaajo ku dayanayo Afewerki

Image

KISMAAYO, Jubaland – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa si aan toos ahayn wuxuu uga jawaabay sheegashooyinkii u dambeeyay ee hogaamiyaha muddo xileedkiisa ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaga dhawaajiyey wareysigii uu siiyey telefishinka maxaliga ah ee Shabelle.

Intii uu wareysigu socday, Farmaajo ayaa Puntland iyo Jubaland ku eedeeyay carqaladyenta qabsoomida doorashooyinka, in ay la yimaadeen shuruudo aan dhamaad lahayn iyo in ay labada maamul "u adeegaan dalal shisheeye".

Axmed Madoobe oo xalay dadwayne kula hadlay xarunta Madaxtooyadda maamulkiisa ee Kismaayo ayaa waxba kama jiraan ku sifeeyay hadalada Farmaajo kuna sifeeyay "nin kursiga kaliya ay u cadahay oo aan wax kale u tureyn".

"Doorasho xor iyo xalaal ah ayuu shalay ku yimid maantana wuxuu doonayaa doorasho boob ah waadna arkeysaan waxa uu geysanayo oo uu yiri Aqalka Sare ha iska tago, Aqalka Hoose ii meelmariya sharcigaas," ayuu tibaaxay.

Farmaajo ayuu cod dheer ugu eedeeyay "xukun isku dhejis iyo xukun jaceyl" taasoo uu hoosta ka xariiqay in ay waddanka gelineyso "god mugdi ah".

"Diktaatoor daciif ah intaan ku dayano oo la yiraahdo Afawerki [madaxweynaha Eritrea] ayaa ina hagaya oo 30-sano siduu u haystay ayaan ku haysanayaa waa wax aad looga xumaado," ayuu hoosta ka xariiqay.

Muddo kororsiga Golaha Shacabka uu halka dhinaca ugu sameeyay maamulka Farmaajo ayuu ku sifeeyay "mid sharci darro ah". Aqalka Sare, maamulada dalka qaar, musharaxiinta iyo Beesha Caalamka ayaa dhankooda naqdiyey.

"Kor iyo hoos ayaan idin kugu sheegayaa waddankan hadii uusan doorasho gelin, hay’addihii dastuuriga ahaa waqtigoodu dhamaadey aanay garanin waxa ay yihiin ama aaney garaneynin wixii ay shalay ku yimaadeen waxaan ku talogaleynaa in doorashada u diyaar-garowno difaacyadeena aanu adkeysano, Shabaabna aan iska difaacno," ayuu hoosta ka xariiqay madaxwayne Axmed Madoobe.

Ciidamadda ayuu ku tartarsiiyey inay gutaan waajibaadkooda ah difaacida qaranka isla markaana ay ka fogaadaan ku milmidda siyaasadda cakiran ee dalka.

Ugu dambeyntii, madaxwayne Axmed Madoobe ayaa shaaca ka dhigay inay maalmaha soo aadan ay latashiyo la sameynayaan dadwyenaha isla markaana Jubaland ay qaadaneyso go’aan masiiri ah oo ay aayaheeda uga tashaneyso. Balse, kama soo horudhicin wuxuu noqon karo go’aankaas aadka isha loogu hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Khadka Taleefanka Kula Xiriiray Dhigiisa Ukraine

Wadahadalka ayaa ku soo beegmaya xilli safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Ruushka, Maxamed Cabdulqaadir Zubeyr.

  • Soomaliya

    16-01-2025

  • 06:25AM

Soomaaliya oo ka dalbatay Iraq in labo arin ka caawiso

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa ku sheegay booqashadiisa Baqdaad inay ahayd mid guul leh.

  • Soomaliya

    15-01-2025

  • 12:54PM