Baaq laga soo saarey Kulankii Gollaha Shacabka ee BF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulankii Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo kamid ah colaad beeleed kasoo cusboonaatay gobolka Galgaduud.

Colaada oo u dhaxeysa labo maleyshiyo qabaa’ileed ayaa galaafatay nolasha in ka badan 10 ruux, taasoo salka ku haysa dilal la xiriira aanooyin qabiil, oo saacadihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalooyinka ay ku jirto Balan-bale.

Fadhiga Aqalka Hoose oo uu maanta shir gudoonku ahaa, Mahad Cabdalla Cawad, ku xigeenka Afhayeenka Sharcidejinta, kaasi oo hadal koobay jeediyay ayaa ku amray dowlada iyo maamulka Galmudug inay qaboojiyaan xiisada.

Cawad oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale shaaciyay in looga baahan yahay dowlada iyo dowlad goboleedka inay gurmad caafimaad oo deg deg ah ay gaarsiiyaan dadka ku waxyeeloobay colaadaasi.

“Dagaal wiil baa ku dhinto ee kuma dhasho,” ayuu yiri Gudoomiye Cawad, kaasi oo muujiyay walaaca uu Gollaha Shacabka ka qabo inay sii socoto colaada ka taagan tuulooyinka ka tirsan maamul goboleedka Galmudug.

Hadalka Aqalka Hoose ayaa kusoo aadaya xili ay jirto xiisad siyaasadeed oo udhaxeysa dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, kuwaasi oo xiriirka u gooyay Villa Somalia oo ay eedaymo culus ujeediyeen.

Kulankii ay maanta yeesheen Xilldhibaanada Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa fadhigii 24aad oo ka tirsan Kal-fadhigii afaraad ayaa waxaa soo xaadirtay 148 mudane, xili ay tiro kalena maqneed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM