Baaq laga soo saarey taageerada Turkiga siiyo Soomaaliya

Image

ANKARA, Turkey – Dowladda Turkiga waa in taageerada ay siineyso dadka Soomaaliyeed ay noqotaa mid wax dhiseysa, sida uu cod dheer ugu baaxay mid kamid ah musharaxiinta sanadkan u taagan qabashadda xilka ugu sareeya dalka Soomaaliya.

Sida uu aaminsan yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, taas bedelkeeda, taageerada Turkidu siineyso Soomaalida waa in aysan noqon mid wax burburineysa ama loo adeegsan karo la dagaalanka nidaamka curdanka ah ee dimuqraadiyada.

Hadalkan ayuu siyaasiga xalay ka sheegay madasha aragti-wadaaga Garowe Online ku martigeliyey bartiisa Twitter-ka taasoo ay si toos ah kaga qeybgalayeen ku dhowaad kun qof.

Warsame ayaa ka hadlayey doorka mucaaradka ee dowladnimada Soomaaliya. Su’aallo ayuu sidoo kale wuxuu kaga jawaabay qaar kamid ah dhageysteyaasha oo ay kamid ahaayeen mas’uuliyiin xilal haya iyo kuwa horey u soo qabtey.

Qadiyadda Turkiga ayaa kamid ahayd mid kamid ah su’aallaha ka yimid dhageysteyaasha taasoo sheegeysay in Ankara ay muddooyinkii u dambeeyay taageeradeeda noqontay mid lagu aamusinayo mucaaradka si gaar ah ciidanka ay tababarto.

"Turkiga waa in uu si masuuliyadi ku jirto u caawiyaa Soomaaliya. Wax la aqbali karo ma ahan in la tababaro/la siiyo hub askarta ka qayb qaadata amni darrada iyo caburinta mucaaradka," ayuu Warsame oo hogaamiya xisbiga Wadajir tibaaxay.

Turkiga ayaa Soomaaliya wuxuu u tababaraa ciidamadda booliska gaarka ah ee Haramcad iyo kumaandooska Gorgor kuwaas oo ku lug-yeeshay dhacdooyin siyaasadeed oo maamulka Farmaajo u adeegsaday walina raaligelin ama magdhow aanu ka bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM