Baaqii Farmaajo oo kala qeybiyay Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir

Image

DHUUSAMAREEB - Baaqii dhawaan kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo, ee shirka wadatashiga isagu yeeray madaxda dowlad goboleedyada ayaa khilaaf cusub iyo kala qeybsanaan dhex dhigay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo madaxa Xukuumadda maamulkiisa, Sheekh Maxamed Shaakir.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxa xukuumada Galmudug, Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa looga soo horjeestay dhamaan qodobadii kasoo baxay shirka maamulada ee Garowe.

Qodobada ugu waawaynaa ee shirka kasoo baxay ayaa kala ahaa; inay sameysteen Xisbi, inay dhisyaan ciidamo isku dhaf ah, in Dhuusamareeb lagu qabto shir-wayne iyo arrimo kale oo waawayn.

Madaxwayne Xaaf oo shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay inay isku diyaarinayaa shirka, isaga oo hay'addaha nabad-gelyadda faray inay sugaan amniga caasimada gobolka Galgaduud.

Sheekh Shaakir oo xiligaasi garab taagnaa Madaxwaynaha Galmudug ayaa umuuqda mid ku qanac-san qodobada shirka kasoo baxay, balse war-saxaafadeed uu soo saarey ayuu cadeeyay arrimo mowqifkiisa.

Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa soo dhaweeyay wadahadalada uu markii saddexaad ku baaqay Madaxwanaha dalka, Farmaajo, kaasi oo sheegay inuu diyaar uyahay wadaxaajood.

Dowladaha xubnaha ka Federaalka iyo madaxda Villa Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay uturaan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo tibaaxay inuu ka shaqayn doono isku soo dhawaan-shahooda.

Galmudug ayaa haatan ukala qaybsan labo Garab, kuwaasi oo Cadaado iyo Dhuusamareeb ku kala sugan, waxaana hadalka Sheekh Shaakir uu umuuqdaa mid waji cusub uyeelaya arrinkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM