Baareyasha kiiska Ikraan oo "loo diidey" muuqaalada CCTV-yada

Image
Talaabadan ayaa lagu sifeeyay "caddeyn kale oo ah in Farmaajo iyo Fahad ay carqalad ku yihiin cadaalada".

MUQDISHO, Soomaaliya – Caqabad ayaa soo wajahadey baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax, sida uu shaaca ka dhigay Jeneraal Cabdalla Cabdalla, agaasime ku xigeenkii hore ee hay’adda mukhaabaraadka Soomaaliya.

Cabdalla oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa shaaca ka dhigay in baareyaasha gal-dacwadeedkan loo diidey in ay arkaan muuqaalada kaamirooyinka qarsoon ee xarunta NISA.

Sida laga soo xigtay Janan, talaabadan waa "caddeyn kale oo muujineysa in madaxweynaha waqtigu ka dhacay iyo Fahad Yaasiin Daahir, agaasimihii hore ee hay'adda sirdoonka aysan cadaalad u dooneyn Ikraan".

"Baarayaasha kiiskii Ikraan waxaa loo diiday inay arkaan CCTV camera-dii NISA -HQ iyo Jilicow. Waa caddayn kale in aysan F&F [Farmaajo iyo Fahad] doonayn baarista kiiskaan iyo in Ikraan caddaalad hesho!," ayuu yiri.

Wuxuu intaas kusii daray: "Kiiskaan maaha mid siyaasadeed ee waa fal-dambiyeed lagu galay magaca iyo awooda dowladda!".

Villa Soomaaliya ayaa xaqiijisay in uusan shalay qabsoomin shirkii uu iclaamiyey Farmaajo ee Guddiga Amniga Qaranka. "Waxaana idinla soo wadaagi doonnaa xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo," ayay raacisay Madaxtooyadda.

Baaqashada waxay kusoo aadaysaa xilli shalay diyaarada Turkish Airlines ay diidey in ay Istanbul kasoo qaado Fahad Yaasiin Daahir oo ka qeybgeli lahaa kulankan "lagu soo bandhigayo warbixinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax," sida uu fahansan yahay Garowe Online.

Fahad ayaa Jimcadii laga celiyey Jabuuti kadib markii diyaaradaha la amray in aysan dalka soo geli karin madaxii hore ee hay'adda sirdoonka.

Villa Soomaaliya ayaa talaabadaas waxay ku tilmaamtay xanibaad lagu sameeyay Fahad iyo saraakiil wehlisay. Hase ahaatee, Jabuuti waxay dhankeeda ku sifeysay been aan sal iyo baar lahayn ayna kaliya dhacdey cilad farsamo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM