Baaritaano ka socda Kismayo, dhimashada oo kor u kacdey

Image

23 August, 2015 (GO)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa sheegaya in ay saaka magaalada qeybo badan oo kamid ah ku waabariisteen ciidamada amniga, gabi ahaanba waxaa dadweynaha loo diidey in ay maraan wadooyinka qaarkood.

Howlgaladan ayaa ka dambeeyey markii uu shalay ka dhacay magaaladaas qarax weyn oo lala beegsaday Jamacadda Kismaayo oo lagu tababarayay ciidamada qaybta ka noqanayo Federaalka.

Baaritaanada ayaa socday tan iyo xalay, balse saaka waxaa gudaha loogalay guryaha qaarkood iyo goobaha wax lagu barayey, sida ay sheegeen shabacka, inkastoo aan la heyn xaqiiqo ku aadan dadka lasoo qab-qabtay.

Saraakiisha amaanka dawladda Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay in aysan marnaba ka hari doonin dhagar qabayaashii qeybta ka ahaa weerarkii shalay, waxa ayna sheegen in ay hayaan macluumaad la xariira qaraxan iyo dadkii abaabulay oo ay xuseen in ay qaarkood hada gacanta ku hayaan.

Dhinac kale waxaa kor u kacey dhimashidaii qaraxa shaley lala beegsadey ciidamada iyadoo gaartey dhowr iyo labaatan halka dhaawacuna intaas ka badan yahay.

Madaxweynaha dawladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shalay faray ciidamada nabadgalyada in ay gacanta ku soo dhigaan cid kasta oo lug ku lahayd arrimahan, isla markaasna ay sharciga iyo cadaalada horkeenaan si looga gudo wixii ay geysteen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM