Baarlamaanka Carabta oo baaq u diray madaxda Soomaalida

Image

QAAHIRA, Masar – Madaxweynaha baarlamaanka Jaamacadda Carabta, Adel bin Abdulrahman Al-Asoumi oo Isniintii shalay war-saxaafadeed soo saarey, ayaa ugu abaqay dhinacyadda Soomaaliya in ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka ka taagan doorashooyinka heer federaal ee 2020-21.

Al-Asoumi ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay diiradda saaraan sidii ay danta qaranka uga horumarin lahaayeen tan shaqsiyadeed ee gaarka ah.

"Tani waxay sababeysaa in la gaaro heshiis heer qaran ah kaasoo sababaya in doorashooyinka ay ku qabsoomaan sidda ugu dhow uguna macquulsan, si lamid ah adkeynta amniga iyo xasiloonida," ayuu xusay.

Baarlamaanka Carabta ayuu ku nuux-nuux-saday in uu ku garab-is-taagayo Soomaalida sidii ay uga bixi lahaayeen mar-xalada kala guurka uuna taageerayo dedaaladda xalka loogu goobayo khilaafka taagan.

"Wadamadda Carabta waxay u heelan yihiin in ay xiriir furan oo wax wada qabsi ah ay la yeeshaan Soomaaliya," ayuu tibaaxay.

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii Ururka Jaamacadda Carabta uu ku booriyey madaxda Soomaalida in ay wadaxaajood iyo is-afgarad ka gaaraan kala-taag-taaga siyaasadeed ee waddanka uu ku jiro.

Inkasta oo ay jiraan dowlado kale, dalalka Carabta ayaa la rumeysan yahay in ay qeyb ka yihiin awoodaha shisheeye ee ku loolamaya doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya ayna kala taageerayaan qaar kamid ah musharaxiinta taagan iyo madaxweynaha muddo xileedka uu ka dhamaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maamuli Doonta Howlgalka AUSSOM

Moalim ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay sugida deegaanada muhiimka ah iyo ka saarista khataraha argagixisada.

  • Soomaliya

    28-02-2025

  • 12:07PM

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM