Xeerdejinta Galmudug oo codka kalsoonida siisey 6 Senator

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maanta codka kalsoonida wuxuu siiyey lix kamid ah sideeda xubnood ee ku meteli doona Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka.

Siciid Siyaad Shirwac ayaa noqdey Senator-kii koowaad ee kusoo baxay in uu Galmudug ku metelo Aqalka Sare ee federaalka afarta sano ee nagu soo beegan isaga oo helay 87 cod markii markii uu u tanaasulay Maxamed Daahir Maxamed.

Yuusuf Geella Ugaas ayaa mar kale wuxuu ku guuleystay in uu Galmudug ku metelo Aqalka Sare ee federaalka afarta sano ee soo aadan isaga oo si gacan-taag ah ku helay 77 cod kadib markii uu u tanaasulay musharax Daahir Faarax Fiidow.

Cabdi Axmed Dhuxulow ayaa mar kale wuxuu kusoo baxay in uu Galmudug ku metelo Aqalka Sare ee federaalka afarta sano isaga oo qaab gacan-taag ah ku helay 86 cod kadib markii uu tanaasulay Musharax Nuur Xassan Guutaale.

Zamam Daahir Maxamuud ayaa mar kale waxay ku guuleystay in ay Galmudug ku metesho Aqalka Sare ee federaalka afarta sano ee soo aadan kadib markii ay qaab gacan-taag ah ku heshay 89 cod iyaddoo ay u tartanka ka hartay musharax Farxiyo Maxamed Guure.

Cabdixakiim Macalin Axmed oo afartii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa Aqalka Hoose ayaa kusoo baxay in uu kamid noqdo Aqalka Sare ee baarlamaanka 11aad isaga oo qaab gacan-taag ah ua helay baarlamaanka Galmudug 86 cod ah markii ay u tanaasushay Ismahaan Cabdi Xuseen.

Duniyo Maxamed Cali ayaa waxay ku guuleystay in ay Galmudug ku metesho Aqalka Sare ee federaalka afarta sano ee soo aadan kadib markii ay qaab gacan-taag ah ku heshay 88 cod iyaddoo ay u tartanka ka hartay musharax Qadro Cabdullaahi Isaaq.

Labada kursi ee harsan waxaa la filayaa in dhowaan lasoo magacaabo musharaxiinta ku loolamaysa iyaddoo is-mari-waa aad u xoogan uu ka taagan yahay mid kamid ah isku hayaan Axmed Xaaf iyo Cabdi Qaydiid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Siilaanyo: Madaxwaynihii hore ee Somaliland oo geeriyooday

Madax kala duwan ayaa ka tacsiyeysay geerida oo illaa haatan aanan fahfaahin laga bixin sababta keentay.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 08:23PM

Soomaaliya: Wasiir hore oo loo xukumay afduub iyo burcad-badeednimo

Wariye Michael Scott Moore ayaa wuxuu haystaa dhalashada dalalka Mareykanka iyo Jarmalka.

  • Soomaliya

    15-11-2024

  • 07:56AM