Baarlamaanka Galmudug oo diidey in qof kursi loo xiro

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo kal-fadhigiisii caadiga ahaa lahaa maanta yeeshay ayaa ka hor-yimid in kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo xiro qof ama shakhsiyaad loogu daneeyo doorashada nagu soo aaddan dhammaadka sannadkan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, ayaa kahor caddeeyey Baarlamaanka in aan qofna loo xiri doonin kuraasta Aqalka sare balse loo simanyahay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Galmudug ay xaq u leeyihiin inay tartamaan oo la doorto waxna ay dooran karaan sida uu qabo dastuurka Galmudug iyo midka Soomaaliyaba.

“Qof kasta oo reer Galmudug ah oo danaynaya doorashada xildhibaanimo ee Aqalka sare wuxuu xaq u leeyahay oo aan soodhaweynaynaa in uu isasoo sharaxo lana siiyo codka Xildhibaanada,“ ayuu yiri Guddoomiye Gacal.

Guddoomiyaha ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday warar sheegaya in musharaxiinta Baarlamaanka Aqalka sare qaarkood loo xiro doono kuraasta oo aan lagula tartami doonin.

Doorashada Soomaaliya ee sannadkan ayaa noqon doonta mid aad u adag oo ay isku hirdin doonaan siyaasiyiin miisaan culus, waxaana xogaha qaarkood ay sheegayaan in Baarlamaanada Dowlad Goboleedyadu aysan qofna u xiri doonin kursi ee loo wada tartami doono si caddaalad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM