Baarlamaanka Galmudug oo diidey in qof kursi loo xiro

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo kal-fadhigiisii caadiga ahaa lahaa maanta yeeshay ayaa ka hor-yimid in kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo xiro qof ama shakhsiyaad loogu daneeyo doorashada nagu soo aaddan dhammaadka sannadkan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, ayaa kahor caddeeyey Baarlamaanka in aan qofna loo xiri doonin kuraasta Aqalka sare balse loo simanyahay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Galmudug ay xaq u leeyihiin inay tartamaan oo la doorto waxna ay dooran karaan sida uu qabo dastuurka Galmudug iyo midka Soomaaliyaba.

“Qof kasta oo reer Galmudug ah oo danaynaya doorashada xildhibaanimo ee Aqalka sare wuxuu xaq u leeyahay oo aan soodhaweynaynaa in uu isasoo sharaxo lana siiyo codka Xildhibaanada,“ ayuu yiri Guddoomiye Gacal.

Guddoomiyaha ayaa waxba kama jiraan kasoo qaaday warar sheegaya in musharaxiinta Baarlamaanka Aqalka sare qaarkood loo xiro doono kuraasta oo aan lagula tartami doonin.

Doorashada Soomaaliya ee sannadkan ayaa noqon doonta mid aad u adag oo ay isku hirdin doonaan siyaasiyiin miisaan culus, waxaana xogaha qaarkood ay sheegayaan in Baarlamaanada Dowlad Goboleedyadu aysan qofna u xiri doonin kursi ee loo wada tartami doono si caddaalad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM