Baarlamaanka Jubbaland oo la wareegay maamulka doorashadda

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Baarlamaanka Jubbaland ayaa la wareegay maamulka hannaanka qabashada doorashada madaxweynaha Jubbaland, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay guddoonka.

Guddiga madaxa Bannaan ee xuduudaha iyo doorashoyinka dowlad goboleedkaasi ayaa waxaa uu doorkoodu noqon doona caawinta dhanka Farsamada, sida ku cad bayaanka.

Go'aankan ayaa yimid kadib codsi ka yimid beesha caalamka kaasoo sheegayey in Baarlamaanka cusub ee Jubbaland uu door muuqda ku yeesho qabashada Doorashada madaxweynaha.

Coddeyntaasi oo lagu soo dooranayo madaxweynihii saddexaad ee Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay Kismaayo ka qabsoonto Khamiista nagu soo aadan ee taariikhdu ku beegantahay 22 August 2019.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM