Baarlamaanka KG oo codka kalsoonida u qaadaya wasiirada cusub

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Xildhibaanada Gollaha Wakiilada ee Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in Arbcada maanta ah fadhi aan caadi ahayn ku yeeshaan xaruntooda magaaladda Baydhabo, caasimada KMG dowlad goboleedkaasi.

Fadhigaan oo la rajeynayo in ay soo xaadiraan inta badan mudanayaasha Aqalka ayaa waxaa la filayaa in uu shir gudoomiyo Afhayeenka Gollahaasi, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa.

Ajendaha kulanka ayaa ah ansixinta xukuumada cusub ee uu soo dhisay Madaxwayne Cabdicasiis Lafta Gareen, kaasi oo wasiirada horgeyn doona sharcidejiyaaha si ay codka kalsoonida u siiyaan.

Lafta Gareen ayaa sidoo kale qorshuhu yahay in uu Xildhibaanada u mariyo Barnaamijjka siyaasadeed ee xukuumadiisa kaasi oo ay dooneyso in ay ku shaqeyso mudada ay xafiiska joogaan.

La dagaalanka Al-Shabaab, siyaasad loo dhan yahay, horumarinta degaanka iyo dhisitaanka ciidamada ayaa la odrasayaa in ay qayb ka noqon doonaan Barnaamjijka siyaasadeed ee xukuumada Lafta Gareen.

13-kii bishaan Febraayo ayey ahayd markii uu Lafta Gareen si rasmi ah u dhameystiray Gollihiisa Wasiirada oo ka kooban wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno, iyada oo aaney ku jirin wasiiru dowlayaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM