Baarlamaanka oo ka doodaya dhisamaha Gudi muhiim ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo sabti ah dood ka yeelanaya sharciga dhisamaha Gudiga madaxa-banaan ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa.

Gollaha shacabka waxaa ku sugan Xildhibaano boqolaal gaaraya, oo la filayo inay akhrinta saddexaad mariyaan sharcigan, iyagoo kadibna cod u qaadi doona, kaasi oo noqon kara diidmo ama ansixin.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa bishii July, ee sanadkan 2017 dib u celiyay sharciga la dagaalanka musuq maasuqa, kaasoo ay Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda federaalka ay hor-keentay Baarlamaanka.

Sababta dib loogu celiyay sharcigan, ayaa waxa uu Gudoonka ku sheegay inay ka maqan yihiin qodobo muhiim ah, oo u baahan in lagu soo daro, lana turxaan-bixiyo waxyaabaha aadka loo dhaliilayo.

Amaanka wadooyinka gala xarunta Baarlamaanka ayaa saaka aad loo adkeeyay, waxaana la hakiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, si looga hortago falal lidi ku ah amniga inta uu socdo Kulanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM

Dalal katirsan Afrika oo diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Israa’iil ay waqtigan ku dhawaaqdo aqoonsigan, iyo in ay filayso wax ay ku beddesho.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:43PM