Baarlamaanka Soomaaliya oo cambaareeyay go'aankii Trump ee Qudus

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta oo Isiniin ah uga hadlay xaaladda magaalada Qudus oo Mareykanka u aqoonsaday caasimadda Israel.

Kulanka intii uu socday, Xildhibaanadii hadlay ayaa wax lagu xumaaday ku tilmaamay go'aankii Trump ee Qudus, taasi oo ay ku tilmaameen xad-gudub iyo wax laga xumaado.

Guddoomiyaha gollaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Trump uu qaaday Tallaabo khaldan dhibka kasto oo ka dhashana ay qaadan doonto Mas’uuliyadeeda Dowladda Maraykanka.

Afhayeenka Gollaha Shacabka wuxuu xusay in Qudus ay tahay magaalo ku taalla dhulka Falastiin, islamarkaana aan Muslimiinta gorgortan ka geli karin, maadaama ay tahay goob barakaysan.

Jawaari ayaa intaasi ku daray in go'aanka Trump uu hoos u dhigay sumcadii Maraykanka ee caalamka, sidoo kalena uu lumiyay kalsoonidii dunida Muslimka. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Trump in uu go’aankaasi ka laabto.

Gudiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka ayaa loo xilsaaray arinta Qudus, oo la filayo inay kasoo saaraan bayaan ka dhan ah Trump oo hadda kala kulmaya go'aankiisa cambaareyn caalami ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM