Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyey heshiiska doorashadda

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah wuxuu meelmariyey heshiiska doorashooyinka 2020-21; waxaa ogolaatay in la ansixiyo 252 Xildhibaan, laba kalnae waydiideen, halka 1 sharci-dejiye uu ka aamusay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa heshiiskan in la gaaro waxay ku qaadaatey waqti badan iyo dedaal dheer, oo qeyb ay ka ahayd Safaaradda Mareykanka oo cadaadis ku saartey madaxda Maamullada inay Muqdisho tagaan, oo shirka ka qeybgalaan.

Doorashooyinka soo socda ayaa ah kuwa aan wax badan ka duwanayn kuwii hore, iyadoo waxa lagu soo kordhiyay ay yihiin kaliya in ergadii ahayd 51 laga dhigay 101, sidoo kalena halkii degaan doorasho labo laga dhigay.

Wali Soomaaliya kama bixin nidaamka qabiilka 4.5, kaasoo mudo dheer lagu soo dooranayay madaxda, waxaana Madaxweyne Farmaajo uu balan-qaadey markii uu xafiiska yimid kadib inuu dalka ka qabanayo doorasho qof iyo cod ah, balse ku fashilmay.

Coddeynta soo aadan wuxuu qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod, balse waxaa ka gaabisay Villa Soomaaliya oo ku guuldareysatay in ay dhaqan-geliso halbeegyadii aas-aasiga u ahaa kana mid tahay ammaanka iyo dhameystirka dastuurka.

Meelmarinta heshiiska ayaa la macno ah in fulintiisa ay bilaaban doonto bisha November, 2020, waxaana dowladda iyo maamulada ay soo magacaabayaan guddi isku daba ridi doona coddeynta Xildhibaanadda iyo madaxtinimadda.

Farmaajo ayaa ah murashax doonaya in uu difaacdo kursigiisa, hase ahaatee, waxaa calaamad su'aal ay dul-hooganeysaa suurtagalnimada in dib loo dooran doono maadaama uu ku fashilmay in uu fuliyo balan-qaayadiisa ololihii doorashadda ee 2017-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM