Baarlamanka Somaaliya oo magacaabay Gudi baara Kiiska Qalbi Dhagax

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Gudoonka sare ee Baarlamanka Somaaliya, ayaa maanta magacaabay Gudi soo baara Kiiska Sarkaalka katirsan ONLF ee Cabdikariim Sheekh Muuse "Qalbi Dhagax".

Gudigan oo ka kooban 15 xubnood oo dhamaan Xildhibaanno ah, ayaa waxay soo diyaarinayaan warbixin Tifaaftiran, oo ku aadan qodobka ay Xukuumadda u cuskatay dhiibista Qalbi Dhagax, ee ahaa inuu katirsan yahay ONLF, xiriirna la lahaa Al shabaab.

Gudoonka Baarlamanka ayaa sheegay in go'aan laga soo saari doono Kiiska Qalbi Dhagax, marka uu Gudigan maanta la magacaabay uu Warbixin usoo gudbiyo Xildhibaanada Gollaha Shacabka.

Xukuumadda Federaalka ayaa Qalbi Dhagax u gacan-gelisay dowladda Ethiopia, kadib markii Ciidamada amaanka Galmudug kasoo qabteen magaalada Gaalkacyo bishii lasoo dhaafay ee August.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM