​Badmaaxayaal kusoo caariyay Kismayo

Image

KISMAYO, Somalia- Xeebaha magaalada magaalada Kismaayo, ayaa maanta waxaa ku soo caariyey doon ay wateen shan ruux badmaaxayaal u dhashay dalka Komoros, kuwaasi oo muddo 45 casho ah ku go'doonsanaa biyaha dushooda.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobbolka Jubbada Hoose Col. Xassan Kheyre Axmed, ayaa sheegay in dadkaan iyo doontii ay wateen ay haatan gacanta ku hayaan mooliska maamulka Jubbaland baaritaana lagu hayo.

Badmaaxiintan ayuu sheegay inay ka muuqato dhibaato aad u badan  islamarkaana qaybtood aysan hadli karin, wuxuuna tilmaamay inay geeyeen goobo caafimaad si loogu dabiibo.

Khayre, oo la hadlayay VOA, ayaa xusay inaysan ilaa hadda hayn caddayn rasmi ah oo ku saabsan sheegashada nimanka ee dalka Komoros, balse wuxuu caddeeyay inay ka xumaatay doontii ay wateen sidaasi awgeed soo bad-baadisay doon kale oo kalluumaysi.

Dadkan ayaa waxaa ka muuqda rafaad xooggan, mana jirto xog ku saabsan meesha ay u socdeen iyo qorshahooda.

Dhawaan ayay ahayd markii nawaaxiga Kismayo lagu qabto Markab Kalluumaysi sharci darro ah, waxaana taliye Khayre uu sheegay inay ka hishiiyeen Jubbaland iyo dowladdii kasoo jeeday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM