Badmaaxe reer Iiraan ah laguna haystay Soomaaliya oo lasii daayey

Image

TEHRAN, Iran – Iiraan ayaa Sabtida maanta ah shaacisay in ay xorriyadiisa u soo laabatay badmaaxe dalkaas u dhashay oo Soomaaliya lagu haystay.

Mohamed Sharif Panahandeh, oo afar sano iyo bar lahayste ahaa, ayaa ku xiranaa nawaaxiga magaala xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Panahandeh, xaaladiisa caafimaad liidato, ayaa waxaa lagu wadaa in uu maalmaha soo aadan dib ugu laabto magaaladda caasimadda ah ee Tehran.

Safaaradda Iiraan ee waddanka Itoobiya ayaa waxaa lagu waramayaa in ay ka shaqeysay sii deynta ruuxaan, oo la shaqeynayey Dooni kalluumeysi.

Seyyed Abbas Mousavi, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran, ayaa xusay in Panahandeh looga qaadi doono tijaabo caafimaad Addis Ababa.

"Isaga wuxuu kamid ahaa afar badmaaxe Iiraaniyiin ah oo lagu haystay xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo aan soo badbaadinay," ayuu ku daray afhayeenka.

Sikastaba, Doonta uu la shaqeynayey shaqsiyaadkan oo magaceedu yahay FV Siraj ayaa waxaa la qafaashay 22-ka bishii Maaj ee sanadkii 2015-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM