​BAKOOL: Ku dhawaad 30 ruux oo Gaajo iyo Haraad u geeriyooday

Image

XUDUR, Somalia- Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Bakool ayaa sheegay in 28 ruux, oo caruur iyo haween u badan  Gaajo iyo Harraad ugu geeriyoodeen deegaano ku dhaw degmada Xudur.

Xuseen Sheekh Maxa'uud, oo kamid ah Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeedo gobolka Bakool ayaa sheegay in dadka intooda badan ay ku dhinteen deegaanka Buur-dhuxulle.

Wuxuu sheegay in cunto la'aan iyo biyo yari baahsan ay ka jiraan deegaannada Miyigi ah, oo intooda badan ay ka gureen Warihii Biyaha ku jiray, sidoo kalena ay qalaleen dhirtii ay xoolaha ku noolaayeen.

"Xaalada aad u xun, oo cunto iyo biyo la'aan ah ayaa ka jirto gobolka Bakool, gaar ahaan deegaanada ay Kooxda Al shabaab maamusho, waxaa ku dhimatay 28 qof deegaanka Buur-dhuxulle maalmihii ugu dambeeyay," Ayuu yiri Senator Xuseen.

Abaarta ka jirto dalka ayaa waxay aad u saamaysay dadka iyo duunyada ku dhaqan inta badan gobolada Soomaaliya, kadib markii la waayay 3 sano oo xiriir ah Roobabkii la filayay.

Hay'adaha gargaarka ayaa wada qaylo dhaan xooggan, kuwaasoo ka digay Macluul markale ka dhacda Soomaaliya, waxaana goobaha qaar ay Hay'adaha samafalka ka billaabeen cunto qeybin.

QM ayaa sheegtay in 6.2 Million oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bini'aadanimo oo deg deg ah, si looga hortago in dadkaasi ay u dhintaan Gaajo,  harraad iyo nafaqo darro ka dhalatay abaarta kulul.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisu mudnaanta kowaad siin doonta wax ka qabashada abaabrta ka jirto dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM