​Banaan-bax looga soo horjeedo Qaraxii Madina oo Muqdishu ka dhacay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Banaan-bax xooggan ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdishu, kaasoo ay isugu yimaadeen culimaa'udiin, mas'uuliyiin iyo qaaybaha kala duwan bulshada ku dhaqan caasumadda Somalia.

Isu-soo baxan ayaa looga soo horjeeday weerarkii is-miidaaminta ahaa ee 4-tii bishan ka dhacay magaalada Madiina gaar ahaan meel ku dhow Masaajidka barakeysan ee “MASJIDU NABAWI AL-SHARIIF” oo uu ku aasan yahay Nabigeena Muxamed NNKH.

Dadkii kasoo qayb galay dibad-baxan ayaa ka kala yimi guud ahaan magaalada Muqdishu, waxayna wateen boorar lagu qoray erayo ka dhan ah argagixisada iyo ammaan loo soo jeedinayay goobaha barakaysan ee muslimiinta.

Waxay cambaareeyeen weerarkaasi iyagoo soo jeediyay inay loo istaago sidii loo difaaci lahaa dhulka xurmada leh, waxayna waalidiinta ugu baaqeen xubnihii dibad-baxa ka hadlay in caruurtooda ka celiyaan inay ku biiraan ururrada xagjiriinta ah.

Banan baxa ayaa waxaa culimadii ka qeybgashay kamid ahaa Sh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed, Sh Nuur Baaruud Gurxan, Sh Yuusuf Cali Ceynte oo ah guddoomiyaha majmaca culimada, Sh Cali Dheer agaasimaha waaxda diinta ee wasaaradda owqaafta, Sh Cabdulqaadir Soomow iyo culimo kale.

Xubno katirsan dowladda ayaa sidoo kale madasha dibad-baxa joogay, waxaana kamid ahaa; wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, agaasimaha guud wasaarada owqaafta iyo arimaha diinta iyo xubno kale.

Banaan-baxan ayaa kusoo beegmaya xilli shalay xukuumadda Somalia iyo culimaa'uddiinka Somaliyeed cambaareeyeen weerarkii lagu qaaday masaajidka Nabiga ee magaalada Madiina.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM