​Banaan-bax looga soo horjeedo Qaraxii Madina oo Muqdishu ka dhacay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Banaan-bax xooggan ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdishu, kaasoo ay isugu yimaadeen culimaa'udiin, mas'uuliyiin iyo qaaybaha kala duwan bulshada ku dhaqan caasumadda Somalia.

Isu-soo baxan ayaa looga soo horjeeday weerarkii is-miidaaminta ahaa ee 4-tii bishan ka dhacay magaalada Madiina gaar ahaan meel ku dhow Masaajidka barakeysan ee “MASJIDU NABAWI AL-SHARIIF” oo uu ku aasan yahay Nabigeena Muxamed NNKH.

Dadkii kasoo qayb galay dibad-baxan ayaa ka kala yimi guud ahaan magaalada Muqdishu, waxayna wateen boorar lagu qoray erayo ka dhan ah argagixisada iyo ammaan loo soo jeedinayay goobaha barakaysan ee muslimiinta.

Waxay cambaareeyeen weerarkaasi iyagoo soo jeediyay inay loo istaago sidii loo difaaci lahaa dhulka xurmada leh, waxayna waalidiinta ugu baaqeen xubnihii dibad-baxa ka hadlay in caruurtooda ka celiyaan inay ku biiraan ururrada xagjiriinta ah.

Banan baxa ayaa waxaa culimadii ka qeybgashay kamid ahaa Sh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed, Sh Nuur Baaruud Gurxan, Sh Yuusuf Cali Ceynte oo ah guddoomiyaha majmaca culimada, Sh Cali Dheer agaasimaha waaxda diinta ee wasaaradda owqaafta, Sh Cabdulqaadir Soomow iyo culimo kale.

Xubno katirsan dowladda ayaa sidoo kale madasha dibad-baxa joogay, waxaana kamid ahaa; wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, agaasimaha guud wasaarada owqaafta iyo arimaha diinta iyo xubno kale.

Banaan-baxan ayaa kusoo beegmaya xilli shalay xukuumadda Somalia iyo culimaa'uddiinka Somaliyeed cambaareeyeen weerarkii lagu qaaday masaajidka Nabiga ee magaalada Madiina.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM