​Somalia: Banaanbax ka dhacay magaalada Muqdishu [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Dibadbax ballaaran ayaa barqo-nimadii maanta oo Khamiis ah waxa uu ka dhacay Wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdishu.

Bananbaxa oo ay dhigayeen boqolaal dadweyne, oo caruur, haween iyo dhalinyaro ay kamid ahaayeen ayaa waxaa looga soo horjeeday dilka Taliye ku xigeenkii hore ee Sirdoonka gobolka Banaadir Ciise Xasan Caraale (Jiijiile), oo ku dhintay Iska Horimaad shalay dhexmaray Ciidamada NISA iyo Militariga.

Dadkan caraysan, ayaa xiray ganacsiga ku yaalla inta u dhaxaysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka, waxaana ay ku gubeen wadadka Taayaro, oo ay ku xireen dhagxaan hakad-geliyay gaadiidka BL-ka ah ee ka dhex shaqeeya Muqdishu.

Mudaharaadiyaasha ayaa ku dhawaaqayay hal-ku-dhigyo ka dhan ah dowladda, iyadoo ka caraysan dilka Korneel Jiijiile, oo isaga iyo saddex kamid ahaa Ilaaladiisa ay ku dileen Ciidanka Militariga nawaaxiha Tiyaatarka Qaranka, oo kaabiga ku haya xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Dibadbaxa dadka dhigayay ayaa u badnaa Ehelada Marxuum Jiijiile, iyo dad ay isku heeb yihiin, kuwaasi oo ka dalbaday dowladda Somalia inay cadaaladda horkeento kuwii dilkiisa ka dambeeyay sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay baarayso sababka ka dambaysa Israsaaseynta dhexmartay ciidamadeeda, gaar ahaan Nabad Sugida iyo Militariga, waxaana Madaxweyne Farmaajo uu u xil-saarey xalay Gudi soo baara.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM