Banaanbax looga soo horjeedo AMISOM oo ka dhacay Muqdisho [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dibadbax ballaaran, oo looga soo horjeedo ciidamad howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Banaanbaxa oo ay ka qeybgaleen boqolaal kamid ah shacabka magaalada, oo isagu jira rag, dumar iyo caruur ayaa waxaa looga soo horjeeday dil bareer ah oo ciidamada AMISOM 4 qof oo rayid ah ugu geysteen degmada Heliwaa, ee gobolka Banaadir.

Dilka shacabka ayaa ka damabeeyay markii Kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM qarax miino lagula eegtay nawaaxiga Isgoyska Ex-control Balcad, kaasi oo waxyeello kasoo gaartey, sida ay dadka degaanka u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Dadka degaanaka ayaa aad uga caroodey shacabka dilk shacabka, iyagoo dhigy dibadbax ay ku dalbanayeen in cadaaladda lasoo taago Askartii ka dambeysay falkan, oo kamid ah tacadiyada ciidamada AMISOM ka geysanayaan dalka.

Magacyada dadkii AMISOM ku dishay Muqdisho:

Qaasim Daahir Kheyre,

Xasan Yuusuf Siyaad,

Cali Shir Ugaas,

Axmed Maxamuud Baseey.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

DP World: "Xiisadda Soomaaliya iyo Imaaraadka ma saameyn doonto shaqada dekedda Berbera"

Xaaladdan ayaa timid ka dib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay gebi ahaanba xiriirkii iskaashiga u jartay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 01:37PM

Go’aankii dowladda Federaalka ee heshiisyada Imaaraadka oo la kulmay diidmo adag

Ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin diidmada wadajirka ah ee ka timid Jubaland, Puntland iyo Somaliland.

  • Soomaliya

    13-01-2026

  • 09:18AM