Banaanbaxii Musharaxiinta ee Jimcaha oo dib-loo-dhigay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya iyo Musharaxiinta ayaa ku heshiiyey in dib loo dhigo banaanbaxii qorshuhu ahaa in uu qabsoomo maalinta berri oo Jimce ah, sidda ay sheegayaan warar xog ogaal ah.

Xasan Cali Khayre, ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxwayne oo xaruntiisa doorashada kula hadlayey taageereyaashiisa, ayaa xaqiijiyey in dib loo dhigay mudaaharaadka.

"Dib ayaan idin kaga soo sheegi doonaa maalinta xigta iyo goobta uu ka dhacayo," ayuu yiri Khayre oo la hadlayey taageereyaashiisa kuwaasoo isku diyaarinayey in isu-soo-baxa uu qabsoomayo maalinta berri ah.

Wuxuu ku daray: "In aan isla fahano waaye; magaalo aan lagu banaanbixi karin miyaa doorasho lagu qaban karaa? magaalo aan lagu banaanbixi karin miyaa dowladnimo laga hirgelin karaa? magaalo aan lagu banaanbixi karin miyaa xorriyadi ka jirtaa? hadii aan banaanax lagu aamini karin doorasho iyo dowladnimo miyaa lagu aamini karaa? miyaan rabnaa in aan xuquuqdeena ka tanaasulno?".

"Mana aqbaleyno, idinkana ma aqbali doonto in dalkan ay ka dhacdo doorasho aan xor iyo xalaal ahayn," ayuu hoosta ka xariiqay musharax madaxwayne Xasan Cali Khayre.

Khayre ayaanan ka qeybgalin wadaxaajoodka shirka musharaxiinta iyo dowladda federaalka oo ku qabsoomay Hotel Decale oo ku yaala nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho.

Wadaxaajoodkaas ayaa kasoo baxay dedaalo ay sameeyeen ergo u badan siyaasiyiin iyo wakiiladda Beesha Caalamka oo shirar gaar-gaar ah la qaadatay labada dhinac saacado kahor kulanka ay maanta isugu yimaadeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maamuli Doonta Howlgalka AUSSOM

Moalim ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay sugida deegaanada muhiimka ah iyo ka saarista khataraha argagixisada.

  • Soomaliya

    28-02-2025

  • 12:07PM

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM