Bandhig ka furmay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

27 August, 2015 (GO)- Waxaa magaalada Mudisho ee xarunta Somalia ka furmay bandhig Buug oo loogu magaca (Mogadishu International Book Fair), kaasoo socon doona 3 maalmood.

Bandhigan ayaa waxaa ujeedkiisa lagu sheegay, Kobcinta Dhaqanka, Qoraalka, Akhriska, Buuggaagta, Cilmiga iyo aqoonta.

Maxamed Sheekh Cali Axmed "Diini" Aasaasaha New Horizon  oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in baahi loo qabay bandhiga buugaagtan.

“Waa guul u soo hoyatay inta Af-Soomaaliga ku hadasha, In la hanaqaadsiiyo akhriska, qoraalka, waxay horseedi karta nabad iyo barwaaqo. Horumarka iyo hantida ugu qiimaha badan ee aan haysanno waa maskaxdeenna inaanu daryeelana waa waajib” Ayuu yiri Diini.

Bandhiggan ayaa waxaa si rasmi ah u furay ku xigeen duqa Muqdisho ee dhanka arrimaha Bulshada, Iimaan Xaaji Iikar wuxuuna  bogaadin u jeediyay carwada oo uu ku sheegay inay tahay mid dhiirri-gelin ah.

Bandhiggan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa oo lagu qabto magaalada Muqdisho intii ka danbaysay 1991-dii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM