​Bandhig Carwo oo ka furmay Muqdishu [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta magaalada Muqdishu caasumadda Somalia ka furmay bandhig buugeed caalami ah oo socod doono muddo saddex bari ah, waxaana lagusoo bandhigay buugaag kala duwan kuwaasoo ay qoreen Somalia iyo Ajaanib katimid dalka iyo daafaha caalamka.

Bandhigan oo maanta ahayd furitaankiisa ayaa socon doona muddo saddex bari ah, waxaana madasha lagu qabtay la keenay buugaag ku qoran Somali iyo English, waxaana ka mid ahaa Buugga the Mayor oo uu qoray wariyihii hore ee BBC-da Andrew Harding.

In kabadan Kun qof ayaa sidoo kale soo xaadiray furitaankii carwadan.

Goor sii horraysay Maxamed Diini oo ah madaxa Carwadan ayaa BBC-da u sheegay inay tahay fursad qaali ah oo lagu kala qaadanayo aqoonta iyo xikmado ku duugan bulsho kala duwan, wuxuuna intaasi ku daray in sannadkan iyo kii hore farqi weyn u dhaxeeyo.

Madasha xafladda furitaanka kasocotay ayaa sidoo kale, waxaa dood loogu qabtay qaar kamid ah qorayaashii kasoo qayb galay kuwaasoo bulshada la wadaagay muhiimadda ay leedahay in wax la qoro iyagoo intaasi ku daray inay dadka Somaliyeed laga heli karo dad badan oo xigmad iyo caqli saaxiib u ah.

Qaar kamid ah ka qayb galayaashii xafladdan ayaa GO u sheegay inay ku faraxsanyihiin Bandhigan, waxayna mahad-celin usoo jeediyeen mas'uuliyiintii isku howlay hirgalinta Carwada iyagoo intaasi raaciyay inay sumcad u tahay magaalada Muqdishu oo lagu tilmaamo meelaha ugu khatarta badan dalka Somalia.

Carwadan [MBF], ayaa timi wax ka yar bil markii magaalada Garowe caasumadda Puntland lagusoo afmeeray Bandhig buugeed ay kasoo qayb galeen qorayaal Somali iyo Ajnabi isugu jira kuwaasoo ka yimi daafaha dunida.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM