Bandhig sannadkii 3aad lagu qabtay Muqdisho [Sawirro]
MUQDISHO, Soomaaliya- In kabadan Kun qof ayaa maanta ka qayb galay Bandhiga Buugaagta Muqdisho oo sannadkii saddexaad lagu qabanayo caasumadda waddanka Soomaaliya oo hadda kasoo kabanay sannado badan oo bur-bur, barakac iyo colaad isugu jiray.
Bandhiggan oo qorshuhu yahay inuu socdo 13-ka, 14, illaa 15-ka bishan, lagu soo bandhigi doonaan buugaag kala duwan oo ku qoran afaf kala gedisa, farshaxano iyo Khudbado ay jeediyay dad caan ah oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.
Maxamed Diini oo ah agaasimaha shirkadda New Horizon oo ah tan sanad kasta soo qabanqaabisa carwadan ayaa sheegay in qorshahan looga dan leeyahay dhismaha Soomaaliyada cusub, oo ay gundhig u yihiin Qoraal, Dhigaal, Akhris, Cilmi iyo Aqoon.
Bandhiggan ayaa ka duwan bandhigii labadii sano ee la soo dhaafay lagu qabtay caasumadda Soomaaliya, waxaa sanadkan ka qeyb galaya 1,211 ruux, halka sanadkii hore ay ka qeyb galeen 1,050 ruux.
Dadka carwada wax kusoo bandhigaya waxaa ka mid ah wiil dhalinyaro ah oo dhigta dugsi sare oo ku yaala magaalada Burtinle, wiilkan oo ah farshaxaniiste oo lagu magacaabo Abshir ayaa waxa uu soo bandhigay sawirro uu ka sameeyay madaxda hadda iyo kuwii hore ee Soomaaliya iyo waliba qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha adduunka sida Kofi Annan, xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay.
Qabashada Bandhigan ayaa aad looga dareemay sannadkan gudaha magaalada Muqdisho, waxaana tan iyo asbuucii hore boorar lagu xiray goobaha qadiimka ah iyo farasa magaalaha.
Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa kamid ahaa dadkii bandhigga furitaankiisa joogay, waxaana sawirro lagasoo qaaday muujinayaan isagoo akhrinaya buugaagta goobta la keenay.
Sidoo kale, waxaa kamid ah siyaasiyiinta lagu casuumay bandhigaas Dr. Cabdiraxmaan Baadiyoow, Maxamed Cumar Cusmaan, Prof. Mustafa Feyruus, Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo Dr. Xamdi Maxamed.
Bandhiggan ayaa kusoo aaday xilli sannadihii dambe dhalinyaro badan ay hormar ka samaynayeen dhinaca qoraalka iyadoo bandhigyo noocaan ah lagu qabtay gudaha waddanka, kuwo kalena la qorshaynayo in dhawaan lagu qabto gudaha Soomaaliya.
GAROWEONLINE