Barakac ka bilowdey baardheere, dhaq-dhaqaaq ciidan oo socda

Image

Barakac xooggan ayaa 24tii saac ee ugu dambeeyey ka bilowdey degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM dhanka Baardheere u ruuqaansadeen.

Kumanaan ka tirsan Ciidanka Itoobiya oo ka soo gudbay xuduuda maalmihii u dambeeyay ayaa ku wajahan Baardheere, si halkaas uga saaraan Al-Shabaab oo sanadihii u dambeeyey degmadaasi fariisin weyn u ahayd.

Dadka rayidka ah ayaa ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo, waxaana tan iyo shalay degmadaas ka socday barakac xooggan..

Dadka qaxaya oo u badan dumar, carruur iyo dad waayeel ah, waxay u jiheysteen dhanka degmooyinka Luuq, Ceel-Waaq iyo tuulooyinka yaryar ee ku yaalla Jiinka Wabiga.

Wararka Baardheere laga healyo ayaa intaas ku daraya in Al-Shabaab ay wadaan dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoog leh, iyagoo dadweynahana si joogto ah ugu wacyi gelinaya inay dagaalka kala qeyb qaataan.

Degmada Baardheere oo ah degmo ku caan ah wax soo saarka beeraha ayaa deris la ah Jubadda Dhexe, waxaana ciidamada huwanta ay doonayaan inay uga sii tallaabaan Jubbada Dhexe, halkaasoo si buuxda Al-Shabaab uga arrimiso.

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM