Barlamanka Federaalka oo la filayo inuu ansaxiyo golaha wasiirada cusub ee Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Golaha wasiirada ee cusub ayaa saaka la horgeeyey Barlamanka Federaalka Somalia iyadoo la sugayo in dhowaan loo qaado codka kalsoonida ah.

Xubnaha wasiirada cusub intooda badan ayaa ku sugan xildhubanada Barlamanka Somalia hortooda iyadoo wararka sheegayaan in cod aqlabiyad ah lagu ansaxin doono.

Xildhubaano ka tirsan Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka ayaa u sheegey warsidaha Garowe Online in rajada in xubnaha wasiirada helaan kalsoonida aqalka shacabka fiican tahay .

Raisla wasaraha Somalia ayaa ganafka ku dhuftey dalabyo ka yimid xildhibaano uu hogaaminyey gudoomiyaha Barlamanka kuwasoo codsanayey in dib loogu noqdo magacaabista golaha wasiirada.

Garowe online ayaa idinla socodsiin doona wararka la xiriira kalsooni siinta golaha wasiirada.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM