Gollaha Wasiiradda Galmudug oo la ansixiyay [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

CADAADO, Somalia - Xildhibaanada Barlamanka maamulka Galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Gollaha Wasiiradda Cusub, ee dhawaan uu soo magacaabay Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf".

Kulanka oo ay soo xaadireen 57 Mudane, ayaa 52 kamid ah ayaa aqbalay in Codka Kalsoonida la siiyo Xukuumadda, halkas 5 kale ay diideen, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Barlamanka Cali Gacal Casir.

Waxaa Kulanka Goob-joog ahaa Madaxweyne Xaaf iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabeey, kuwaasi oo uga mahadceliyay Xildhibaanada Galmudug anixisinta Gollaha Wasiirada cusub, ee mamaulkaasi.

Wasiiradda cusub, oo u badan kuwa kasoo mid noqday dawladii Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa ka kooban yihiin 22 Wasiir, 22 ku xigeen iyo 8 Wasiiru dowle, kuwaasi oo qaab beeleed lagu soo xulay.

Kuma jiraan Wasiirada cusub wax xubnaha ah oo matalaya Ururka Ahlu Sunna, oo mucaarad ku ah Galmudug, islamarkaana gacanta ku haya Deegaano iyo Degmooyin badan oo ku yaalla Galgaduud, oo Dhuusamareeb iyo Guriceel ay kamid yihiin.

Dad badan ayaa aaminsan in sababaha keena fashilka Xukuumadaha maamul goboleedyada ay uga wacan tahay Tirada badan ee Wasiirada, oo aan loo ahayn Xafiisyo iyo dhaqaale ay ku shaqeeyan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM