​Barlamanka Hir-Shabeelle oo aqbalay codsi ka yimid Madaxweyne Cosoble

Image

JOWHAR, Somalia - Baarlamaanka cusub, ee Hir-shabelle ayaa markale muddo dheeri ah ugu daray Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble xilliga uu soo magacaabayo Golaha Wasiirrada maamulkaasi.

Xildhibaanada Hir-Shabelle oo ku kulmay xaruntooda Jowhar ayaa cod aqlabiy leh ku ansixiyyay dib u dhigista dhisamaha Golaha xukuumadda,  taasoo katimid madaxweyne Cosoble.

Wararka GO ka helay ilo ka agdhow xarunta Barlamanka maamulkaas, ayaa sheegaya in Xildhibaannada ay mudo Labo bilood ah ugu dareen waqtiga uu Madaxweynaha Hir-Shabelle kusoo dhisayo Golahiisa wasiirrada, oo dhowr jeer dib loo dhigay.

Mudanayaasha aqalka Wakiillada shacabka Hir-Shabeelle, ayaa sidoo kale Madaxweynaha ka codsaday in uusan la dhaafin labadaasi bilood ee la siiyay, soo xulista Wasiirada maamulka Hir-Shabelle, oo dhawaan lagu dhisay magaalada Jowhar.

Cosoble, ayaa la sheegay inuu aad ugu mashquulsanyahay Doorashooyinka dalka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu kamid yahay hogaamiyaasha u ololeynayo soo laabashada Xasaan Sheekh.

Madaweyne Cosoble ayaa waxa uu kamid yahay Hogaamiyaal u safray Jimcihii dalka Ethiopia, kadib markii la isku mari waayay Shirka Madasha Qaran ee Muqdishu, kadib markii la isku fahmi waayay Kuraasta Baarlamaanka ee la diiday.

GAROWEONLINE

Related Articles

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM