​Barlamanka HirShabeelle oo ka digay maamul looga dhawaaqay Hiiraan

Image

HIIRAAN, Somalia- Barlamanka maamulka HirShabeelle ayaa digniin kasoo saaray talaabada uu isku caleemo saarey Madaxweynihii hore maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble oo sheegtay inuu yahay hogaamiyaha maamul lagu magacaabo Hiiraanland.

Odoyaasha gobolka Hiiraan iyo siyaasiyiin ayaa shalay Caleemo saarey Cosoble iyagoo eedeeyay maamulka HirShabeelle gaar ahaan Barlamanka.

Balse arrintan waxaa diiday Guddoomiyaha HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed isagoo dhaliilay Cosoble.

"Waxaa nasiib darro ah in Madaxweynihii markii xilka sifo sharci ah looga qaaday, in inta uu tego Beledweyne yiraahdo oo Baraha bulshada ka yiraahdo codkaan ayaan ka duubay guddoomiyaha Barlamaanka, Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaarah, Waxaasi waa beern abuur. Ma jirto cid handadi karta barlamaanka iyo madaxweynaha Hirshabelle, Hirshabelle meelkasta oo ay joogto waa nabad,” Ayuu yiri Cismaan Barre.

Isagoo sii hadlaya wuxuu digniin u diray shacabka iyo cid kasta oo ka amar qaadata Madaxweynihii hore maamulka HirShabeelle isagoo xusay in shacabku midaysanyahay.

"Waxaan ugu baaqayaa Maamulka gobolka Hiiraan iyo Hirshabeelo dhan inaysan ka amar qaadan wax sharci darro ah, waa in ay raacaan sharciyadda, cidii ku xadgudubta xilkaa laga qaadayaa," Ayuu yiri Guddoomiyaha Barlamanka maamulka HirShabeelle isagoo intaas ku daray "Ma jiro madaxweyne, waxaa jira sii haye xilka madaxweynaha oo amarka laga qaadanaya. shacabku waa Hirshabelle, ma jiro shacab kala qaybsan, Cid maamul Gaar ah sheegan kartaa ma jirto, waana sharci darro, taas laftigeeda."

Xaaladda maamulka HirShabeelle ayaa cakiran, waxaana ku dhawaaqista Hiiraanland oo ka kooban sida Odoyaasha gobolkaas qabaan Hiiraan iyo Shabeellaha Sare kusoo aaday xilli doorasho loo diyaarinayo maamulka HirShabeelle.

Dhismaha HirShabeelle ayaa laga maray dhibaato adag, waxaana dhowr jeer fashilmay dadaalo lagu raadinayay inay dowlad goboleed samaystaan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waqtigii uu dalka ka talinayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh. Waqtigaas Odoyaasha reer Hiiraan ayaa ku doodayay inay u dhigmaan Labo Gobol.

Ku dhawaaqistooda hadda ee maamulkan Hiiraanland ayay sabab uga dhigeen in la jabiyay qodobadii lagu heshiiyay islamarkaana sifo sharci darro ah loo maray xilka ka qaadista Cosoble.

Dhawaan dowladda Federaalka Somalia, oo ka hadlaysay khilaafkan ayaa qirtay in qaab sharci ah looga qaaday Madaxweynihii hore maamulka HirShabeelle, waxayna Barlamanka ugu baaqday inay soo doortaan Madaxweyne Cusub 12 bishan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM