Barlamanka HirShabelle oo dhagaysanaya Khudbadaha Murashaxiinta

Image

JOWHAR, Somalia - Xildhibaanada Barlamanka HirShabelle, ayaa maanta billaabay dhageysiga Khudbadaha Murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha maamulkaasi.

Murshaxiintan oo tiradoodu tahay 8 ayaa kahor jeedinaya Barlamanka Barjaamijyadooda Siyaasadeed, Taariikh nololeedkooda iyo wax-qabadkooda, hadii ay ku guuleystaan Kuriga Madaxtinimada.

Doorashada oo la filayo inay dhacdo Sabtida, 16-ka September, ayaa waxaa u taagan Murashaxiinta kala ah, Yusuf Hagar Daba-geed, Cabdi Faarax Laqanyo, Daahir Cabdulle, Maxamed Cabdi Waare, Cabdinasir Shirwac Maxamed, Maxamed Caruush, Cabdiraxmaan Xuseen Cadow, Cabdikarim Cali Nuur.

HirShabelle oo la aas-aasay dhamaadkii 2016, ayaa waxaa hareeyay khilaaf siyaasadeed iyo maamul xumo, maadaama maamulka lagu dhisay qaab deg-deg ah, oo dhalisay in beelaha ku dagaalaan awooda.

14-kii August, 2017, Xildhibaanada ayaa Kalsoonida kala laabtey Cali Cabdullaahi Cosoble oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay oo ay doorteen isagoo mudo ka yar 11 bilood oo shaqeynayay.

Cosoble iyo Siyaasiyiin kale, oo ku qabiil/beel ah aya waxay ka dhiseen Beledweyne maamul lagu magacaabo HiiraanLand, kaasi oo ay ku carqaladeynayaan maamulka HirShabelle.

Beesha Caalamka oo dhawaan War qoraal ah kasoo saartey dhisamaha HiiraanLand ayaa ka digtay in la burburiyo Maamulka HirShabelle, waxayna ugu baaqdey Siyaasiyiin ku shiraya Beledweyne inay joojiyaan qalaan-qalka siyaasadeed ee ay wadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM

Soomaaliya: Agaasimihii Hore ee NISA oo Wasiirka Gaashaandhigga Ku Eedeeyay Cabsi-gelin Siyaasadeed

Hadalka Sanbaloolshe ayaa yimid kaddib markii Wasiir Axmed Macallin Fiqi uu sheegay in dowladda ay "u naxariisatay".

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 08:53PM