HirShabelle oo ka warbixisay Doorashada Madaxweynaha

Image

JOWHAR, Somalia - Gudoonka Sare ee Barlamanka HirShabelle, ayaa ka warbixiya diyaar-garowga Doorashada Madaxweynaha cusub, ee maamulkaasi, oo la filayo inay dhacdo maalmaha food inagu soo hayo.

Afhayeenka Barlamanka, Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in doorashadda Madaxweynaha ay ku dhici doonto si Xur iyo Caddaalad ah oo lagu qanci doono.

Wuxuu tilmaamay inay magacaabeen Gudi Doorasho oo 9 Xubnood ka kooban, kaasi oo ay u xilsaareen diyaarinta iyo maamulka Doorashada, iyadoo uu Barlamankana dusha kala socon doono howshiisa.

Doorashada ayaa la filayaa inay dhacdo billowga bisha September, Ciida Carafo kadib, balse arinta sida la hadal hayo ayaa ah in Kursiga ay u tartami karaan oo kaliya Murashaxiin kasoo jeeda beesha Xawaadle.

Dastuurka maamulka HirShabelle ayaa dhigaya in mudo 30 cisho gudahood ah lagu doonayo in maamulka uu yeesho Madaxweyne cusub.

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka HirShabeelle, ayaa bartamihii bishan kalsoonida kala noqday Madaxweynihii Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, kadib markii ay ku eedeeyeen Xil-gudasho la'aan.

Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa wali diidan xilka qaadistii lagu sameeyay, iyadoo xitaa ay dowladda ay taageertay Go'aanka Xildhibaanada HirShabelle, wuxuuna kulamo kawadaa magaalada Beledweyne.

Gudiga Cusub ee Doorashada Madaxweynaha HirShabelle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM