Barlamanka Jubaland oo codka u diidey xubno Axmad Madoobe la rabey aqalka sare, Akhri Warsaxafadeed

Image

KISMAYO, Jubaland- Madaxweynaha Jubaland oo hambalyo u direy xildhibanada  aqalka sare ee Barlamanka Federaalka uga qayb galaya maamulka Jubaland kadib markii Barlamanka Jubaland codkii u diidey  xubno uu watey.

Warsaxafdeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Jubaland ayaa waxaa uu hambalyo u direy xubnaha loo doortey xilkaan isagoo taageeray go'aanka Barlamanka.

Wararka warsidaha GO ka heley ilo ku dhow madaxtooyada Jubaland ayaa sheegaya in Mudane Axmad Madoobe si gaar ah u watey  qaar ka tirsan musharaxiinta aqalka sare  kuwasoo ay kamid ahaayeen Prof.Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandi), Cabdi Maxamad Tarax, Waris Maxamad Cabdi 'Iskatoos' halka xubno kale cod kale uu la rabey ku sigteen Iney waayaan kursiga aqalka sare.

Xubnaha Madaxweynaha Jubaland codka la raadinayey ayaa isugu jirey kuwo siyaasadeed iyo kuwo arimaha qabiilka gobolka ku miisaamayey.

Lama oga sababta Barlamanka Jubaland uga horyimid rabitaanka Madaxweyne Axmad Madoobe balse warar hoose ayaa sheegaya marka ala eego arimaha siyaasada inuu jiro shaki ah qorshihiisa la xiriira mowqifkiisa ku aadan doorashada Somalia.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubaland ayaa hambalyo u direy xubinta kaliya ee dumarka ah oo ku guulysatey aqalka sare Barlamanka Federaalka taasoo magaceeda warsaxafdeekaan ku soo koobey Faadumo Gaariyo.

Maamulada Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ilaa iminka u codeeyey xubnaha aqalka sare u matalaya Barlamanka fadhigiisu noqonayo magaalada Muqdishu.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale la filayaa in maalinta berri ah cod u qaadaan 22 xubnood oo musharaxiinta u ah aqalka sare ee Somalia. 

Akhri warsaxafadeedka Madaxweyne Axmad Madoobe ku tageerey go'aanka Barlamanka Jubaland. Jubbaland Press Release1.pdf

GAROWEONLINE 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM