Barlamanka oo ansixiyay Wasiirrada maamulka HirShabelle

Image

JOWHAR, Somalia- Barlamanka maamulka HirShabelle ayaa maanta oo sabti codka kalsoonida siiyay Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble Bishii lasoo dhaafay.

Kulanka ay ku yeesheen magaalada Jowhar oo ay soo xaadireen 84 Mudane, ayaa waxaa u codaysay ansixinta Golaha Wasiirrada 71 Xildhibaan, iyadoo 13 kale ay ka aamuseen codeynta oo ahayd mid gacan-taag ah.

Madaxweyne Cosoble ayaa hadal uu ka jeediyay xarunta golahaas kaga codsaday Xildhibaanada in la taageero Golahiisa xukuumadda.

Wasiirada cusub oo ka kooban 52 xubnood, oo isagu jira wasiirro, ku xigeenno iyo wasiiru dowlayaal ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay oo maamulkaasi yeesho tan iyo markii la aas-aasay sanadkii tagey.

Xildhibaanno dhowr ah, iyo Siyaasiyiin ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waday Mooshin ay ku diidan yihiin shakhsiyaadka lasoo magacaabay, oo ay ku sheegeen in aan laga wada qeyb-gelin dhammaan Beelaha.

Dhanka kale, waxaa xalay ka dhacay meel ku dhaw Madaxtooyada Hir-Shabelle ee magaalada Jowhar labo qarax oo ahaa Bambooyinka gacanta laga tuuro kuwaasi oo aan geysan Khasaaro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM