Barlamanka oo ansixiyay xukuumadda cusub ee Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Fadhiga golaha Barlamanka Somalia, maanta ku yeesheen magaalada Muqdishu, ayaa waxaa la horgeeyay golaha wasiirrada ee dhawaan uu soo magacaabay Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre.

Xukuumadda oo dhawaan waraaq cabasho ah ka keeneen qaar kamid ah golaha Barlamanka ayaa helay kalsoonida Xildhibaanada.

Waxaa u codeeyay oo aqbalay 224 Xildhibaan, waxaa diiday 15 mudane, waxaana ka aamusay 2 Xidlhibaan.

Codaynta ayaa u dhacday qaab gacanta taag ah, waxaana si toos ah looga daawanayay Warbaahinta iyo baraha bulshada.

Tallaabadan ayaa muujinaysa in golaha xukuumadda Ra’isal wasaare Khayre ay tahay mid sharciyan u dhammaystiranyihiin shuruudihii Dastuuriga ahaa.

Kulankii maanta waxa ka maqaan mudayaal kooban oo kamid yahay Guddoomiyaha Barlamanka ahna kusii simaha Madaxweynaha Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Lama oga sababta uu shirkan uga maqnaa, waxaana kulanka Guddoominayay ku-xigeenkiisa Koowaad Muuday oo dhinac fadhiyay Mahad.

Khudbad uu jeediyay Ra’isal wasaare Khayre, kahor intaan la ansixin xukuumadda, wuxuu ku sheegay inay isla maanta u howl gali doonaan sidii wax loogu qaban lahaa dad abaaruhu saameeyeen ee  ku sugan gobollada dalka.

Khayre, ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu diiradda saari doonto sidii wax loogu qaban lahaa shacabka Somaliyeed iyo soo celinta sharaftii waddanka.

Ansixinta xukuumadda ayaa kusoo aaday xilli Madaxweynaha uu dalka ka maqanyahay isagoo ka qayb galaya shir-madaxeedka ururka Jaamacadda Carabta.

Waxay sidoo kale kusoo beegantay xilli waddanka ay ka jirto abaaro iyo amni darro baahsan.

Xukuumadda cusub ayaa looga fadhiyaa inay wax ka qabato dhammaan caqabadaas iyo sidoo kale ballan-qaadkii Madaxweynaha ee ahaa inay ilaaliyaan hantida qaranka, kor u qaadista cadaaladda, soo celinta rajada shacabka iyo sarraysiinta cadaaladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM