Barlamanka FS oo Go'aan ka gaarey Wasiirka Dastuurka [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Barlamanka Somalia ayaa maanta cafis u  fidiyay Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, kadib markii uu qirey inuu khalad galay, kuna xad-gudbay Hay'adda Sharci-dejinta dalka.

Kulanka oo ay soo xaadireen 153 Xildhibaan, ayaa waxa goob-joog ahaa Wasiir Xoosh, waxaana ajandahu ahaa in Su'aallo laga waydiiyo hadal uu ku qoray Twitter-ka, kaasi oo uu sharci darro ku tilmaamay go'aankii Barlamanka ku laalay amarkii Maxkamada sare kasoo baxay bishii May.

Wasiirka oo Khudbad ka jeediyay Kulanka ayaa ka qoomameeyay Hadalkii uu Twitter-kiisa kusoo qoray, wuxuuna qiray inuu ahaa khalad ka dhacay oo uusan sameyn laheyn hadii uu ogaan lahaa inuu Heerkan gaarayo, wuxuuna ka codsaday Xildhibaanada inay ka cafiyaan.

"Waxaan aad uga xumahay in hadalkii aan Twitter-kayga kusoo qoray, haddii aan ogaan lahaa inuu heerkan nasoo gaarsiinayo, runtii masoo qori lahayn, walaaiyaal waxaan codsanayaan inaad i cafisaan," ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka hadlayay Gollaha Shacabka.

Intaasi kadib, Xildhibaanada ayaa isku raacay inay iska cafiyaan Wasiir Xoosh, islamarkaana ay soo afjaraan Kiiskiisa mudada soo jiitamayay, kaasi oo meel xasaasi ah gaarey, islamarkaana ay soo farageliyeen Madaxda sare ee dalka, oo Madaxweyne Farmaajo kamid yahay.

Barlamanka Somalia ayaa leh awood siinaysa qodobka 60-aad ee Dastuurka, farqadiisa C, kaasi oo ay ugu yeeri karaan Madaxda sare laga soo billaabo Ra'iisal Wasaaraha, Wasiirada, Gudiyada Madaxa-banaan, iyadoo hadii ay diidaana U-yeerida xasaanada kala noqon karaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Isbahaysiga Al-Siisi iyo Afwerki [Heshiiskii Ankara oo fashilmay]

Masar ayaa ilaa haatan ciidamo tiradoodu gaareyso 10,000 u dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 11:56AM

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM