Barlamanka oo Gudi u xilsaarey Kiiska Qalbi Dhagax [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Aqalka Hoose, ee Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa maanta gudi u xilsaarey Kiiska Cabdikariim Sheekh Muuse "Qalbi Dhagax", kadib dood ay ku yeesheen xarunta Gollaha Shacabka.

Guddiga oo aan wali la shaacin, ayaa soo turxaa bixin doona arinta Qalbi Dhagax, sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Intii ay socotay Doodii Maanta, Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay in wareejinta Qalbi Dhagax ee loogu gacan geliyay dowladda Ethiopia ay aheyd mid Sharci ah, islamarkaana Xukuumadda ku saxnayd.

Kulanka oo ay soo xaadireen 175 Xildhibaan, ayaa kusoo idlaaday in dhiibista Qalbi Dhagax Gudi loo xilsaaro, kaasi oo soo taxliilin doono dhiibistiisa kahor inta aan go'aan kama dambays ah laga gaarin.

Aqalka Sare ayaa shalay dib uu dhigay arinta Qalbi Dhagax, oo kamid ah Xubnaha sare ee ONLF, oo dhamaadkii bishii lasoo dhaafay loo dhiibay Ethiopia, kadib markii laga soo qabtey Gaalkacyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM