Barlamanka oo Gudi u xilsaarey Kiiska Qalbi Dhagax [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Aqalka Hoose, ee Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa maanta gudi u xilsaarey Kiiska Cabdikariim Sheekh Muuse "Qalbi Dhagax", kadib dood ay ku yeesheen xarunta Gollaha Shacabka.

Guddiga oo aan wali la shaacin, ayaa soo turxaa bixin doona arinta Qalbi Dhagax, sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Intii ay socotay Doodii Maanta, Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay in wareejinta Qalbi Dhagax ee loogu gacan geliyay dowladda Ethiopia ay aheyd mid Sharci ah, islamarkaana Xukuumadda ku saxnayd.

Kulanka oo ay soo xaadireen 175 Xildhibaan, ayaa kusoo idlaaday in dhiibista Qalbi Dhagax Gudi loo xilsaaro, kaasi oo soo taxliilin doono dhiibistiisa kahor inta aan go'aan kama dambays ah laga gaarin.

Aqalka Sare ayaa shalay dib uu dhigay arinta Qalbi Dhagax, oo kamid ah Xubnaha sare ee ONLF, oo dhamaadkii bishii lasoo dhaafay loo dhiibay Ethiopia, kadib markii laga soo qabtey Gaalkacyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM