​Barlamanka oo ka doodaya Kiiska Qalbi Dhagax, maxaa laga filan karaa?

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Aqalka hoose, ee Barlamanka Federaalka Somalia ayaa maalinta berri [Arbaco, September 13], yeelan doono kulan ajandihiisa uu qeyb ka yahay Kiiska Qalbi Dhagax.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeeshay Muqdishu, ayaa shaaciyay Kulanka, oo ah mid xasaasi ah, oo hareyn doonto dhiibistii Cabdikariin Sheekh Muuse "Qalbi Dhagax."

Xildhibaanada Aqalka hoose ayaa dhamaantood inta hadda dalka gudahiisa ku sugan waxaa loo diray Fariimo Taleefoonkooda gacanta, iyadoo lagu wargeliyay inay soo xaadiraan Kulanka Berri.

Sabtidii lasoo dhaaftay kulan ay ka yeelan lahaayeen Xildhibaanada Barlamanka Kiiska Qalbi Dhagax, ayaa u baaqday kooram la’aan, markii Xildhibaanno Gollaha Shacabka ay diideen inay Buuga saxiixaan.

Kulan Aqalka Sare ee shalay uga doodi lahaa Kiiska Qalbi-dhagax ayaa dib loo dhigay, kadib markii 21 Xildhibaan ay soo jeediyeen in Ajandaha laga saaro kulanka, halka qaarna ay kasoo horjaysteen arintaasi, taasi oo dhalisay buuq ka dhex dhashay xarunta Aqalka Sare.

11 Mudane oo katirsan Aqalka sare, oo uu hogaaminayo Abshir Bukhaari, Gudoomiye ku xigeen 1aad ee Aqalka Sare, ayaa kasoo horjeestay dib u dhigista Doodii shalay, waxaana lagu eedeeyay inay maleegaan qal-qal siyaasadeed oo cusub.

Waxaa jira Xildhibaanno kale oo katirsan Aqalka hoose, oo uu kamid yahay Mahad Salaad iyo Siyaasiyiin kasoo mid noqday Dowladdii Xasan Sheekh, ayaa ka shaqeynaya in Kiiska Qalbi Dhagax isku bedelo Mooshin lagu ridayo Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre.

Axmed Maclin Fiqi, oo katirsa Xisbiga Daljir, ayaa kamid ah xubnaha u ololeynaya in Codka Kalsoonida lagala noqdo Xukuumadda, iyagoo Kiiska dhiibista Qalbi Dhagax u adeegsanaya fursad ay ku meel mariyaan danahooda gaarka ah.

Xildhibaanadan oo iska waayay Liiska Gollaha Wasiirada Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa u kabo-gashtay sidii ay ku ridii lahaayeen Xukuumadda oo mudo aan dhameyn hal sano xafiiska joogta, iyadoo wax badan oo la taaban karo ka qabatay Xaaladda dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM