​Baarlamanka Somaaliya oo ka shiraya Hindise Sharciyeed cusub

Image

MUQDISHO, Somalia - Xildhibaanada Aqalka hoose, ee Baarlamanka Federaalka Somaaliya ayaa saaka oo Isniin ah waxay kulan ku yeelanayaan xarunta Gollaha Shacabka, ee magaalada Muqdisho.

Mudane katirsan Xildhibaanada ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in Kulanka maanta ajandihiisa uu yahay akhrinta 1aad ay ku sameeyaan Hindise Sharciyeedyada Waxbarashada iyo Biyaha oo Xukuumadda usoo gudbisay.

Xildhibaanada Gollaha Shacabka waxaa horyaalla ku dhawaad 15 Hindise sharciyeed, oo kasoo gudbay Gollaha Wasiiradda, waxaana looga fadhiyo inay meel-mariyaan Kulamada soo socda.

Waxaa dhanka kale, aad loo adkeeyay Amaanka nawaaxiga Xarunta Baarlamanka, iyadoo Ciidamada dowladda Federaalka oo isagu jira Boolis iyo Nabad Sugida ay xireen Wadooyinka ku dhaw halkaasi.

Wixii kasoo baxa Kulanka Golllaha Shacabka dib ugala soco GaroweOnline

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM