Barlamanka Somalia oo ansixiyay Miisaaniyadda dowladda Federaalka

Image

MUQDISHU, Somalia - Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa meel-mariyay Miisaaniyadda Xukuumadda ay ku shaqeynayso 2017, kadib Kulan ay ku yeesheen maanya xarunta Gollaha Shacabka ee magaalada Muqdishu.

Inta ay socotay dooda, 167 Xildhibaan, oo kamid ahayd 169 Mudane oo Kulanka soo xaadiray ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaaniyadda, oo gaaraysa $260 Million, taasi oo bishii soo gudbiyay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

Gudoomiyaha Barlamanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in ay ansax tahay Miisaaniyada cusub ee Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Kheyre, maadaama lagu meel-mariyay cod aqlabiyad leh, oo gaaraya 167 cod, islamarkaana ay diideen labo Mudane oo kaliya.

Misaaniyadan cusub ee 2017, waxay aad uga badan tahay kuwii ay kusoo shaqeysay dowladii hore, maadaama uu dalka hadda yeeshay Aqal sare, oo lagu soo kordhiiyay miisaaniyadooda ay ku shaqeynayaan.

Miisaaniyadda dowladda oo aad u yar ayaa waxaa kabo dowlado shisheeye, oo Turkiga ugu horeeyo, waxayna bixiyaan lacag badan oo maaliyiin doollar ah, taasi oo loogu talo galay in lagu dhameystiro lacagta Xukuumadda kasoo gasho Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM